Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beledweyne: Dad ku Dhintay Masjid La Weeraray


په امریکا کې په مهاجرت باندې د لگول شویو محدردیتونو پر ضد مظاهرې
په امریکا کې په مهاجرت باندې د لگول شویو محدردیتونو پر ضد مظاهرې

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in 2 qof ay geeriyootay 7 kalena ay dhaawacmeen kadib markii xalay salaadda Cisho mambo gacmeed lagu tuuray Masjid ku yaala xaafada Howlwadaag oo ay salad ku dukanayeen Kooxda Takfiirka.

Dadka dhaawaca iyo kuwa dhintay ayaa dhamaantood ka tirsanaa kooxda Takfiir.

Qaar ka mid ah jamceedii Masjidka joogtay xiliga qaraxa ayaa sheegay in bambka daaqada laga soo tuuray kadibna uu cararay qofkii falka fuliyay.

Ma jirto illaa xilligan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waana markii ugu horreysay ee fal nuucaas ah uu Baledweyne ka dhaco.

XS
SM
MD
LG