MUQDISHO —
Dowladda Somalia ayaa maanta lacago kale oo dheeraad ah ugu yabooday gargaarka ku aadan abaaraha ka jira gobollo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Shir ay maanta yeesheen golaha wasiiradda ayaa lagu go’aamiyay in dowladdu ay abaarta ku yaboohday lacag gaaraysa hal malyuun iyo 290 kun oo dollar, waxayna dowladda sheegtay in lacagtaasi laga soo jari doono howlwadeenada dawladda.
Dowladda ayaa bilowgii toddobaadkan abaaraha ugu deeqday lacag gaaraysa hal malyuun oo dollar.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.