Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: Lix Qof oo ku Dhintay Qarax


Qarax (Sawir hore)
Qarax (Sawir hore)

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday xisaabiyihii gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf Gaadayare, oo qaraxa ku geeriyooday.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku geeriyooday lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo uu fuliyey qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa ka dhacay goob shaaha laga cabo oo ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday xisaabiyihii gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf Gaadayare, oo qaraxa ku geeriyooday.

Goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in qofka is-qarxiyey uu u yimid Saciid, oo doonayey inuu raaco baabuurkiisa, kadibna uu is-qarxiyey.

Taliye ku xigeenka booliiksa Gobolka Mudug Cabdirashiid Xaashi Gabagabi, ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Abu Muscab, ayaa sheegtay qaraxa.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo nooga soo diray weriyaheena Cabdiwaaxis Macallin Isxaaq.

Qarax ka dhacay Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG