Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shaqaale Turki iyo Soomaali ah oo la Dilay


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan oo saarneyd gaari nooca mini-baska ah ee caasiga loo yaqaan ay weerar ku qaadeen gaari ay saaraayeen shaqaale ka tirsan Cusbitalka Turkiga ee Deeva ee magaalada Muqdisho oo isugu jiray Turki iyo Soomaali.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan meel ku dhow xaruntii hore ee madaxtooyada u ahayd madaxweynihii ee dowladda KMG Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Weerarka ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba ka mid ah shaqaalaha Turkiga, iyo laba qof oo kale oo Soomaali ah, oo iyagana markii dambe ku geeriyooday Isbitaalka.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay afar qof oo kale oo ka mid ah shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Kooxdii weerarka geysatay ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka fuliyeen. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dableyda.

XS
SM
MD
LG