Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaarar Aqoonsi oo Laga Bixinayo Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in arrintan ay billaaban doonto bisha April ee foodda nagu soo haysaa.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa bilaabaysa bixinta kaarka aqoonsiga Soomaalinimada ee loo yaqaan Teestara Munishiibiyo, oo la siin doono dadka degan magaalada caasimadda ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in adeegan uu yahay mid ka mid ah adeegyada looga baahan yahay dowladda hoose ee Xamar inay qabato.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintan ay billaaban doonto bisha April ee foodda nagu soo haysaa.

Kaarka dadka la siinayo, ayuu guddoomiyuhu sheegay, inuu noqon doono mid aan dhicin weligiis, oo qofka qaataa mar aan looga baahneyn inuu dib u cusbooneysiiyo.

Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa shaaca ka qaaday in kaararka laga bixin doono degmooyinka, ayada oo marka hore lagu billlabi doono dhowr degmo, kadibna magaalada oo dhan la gaarsiin doono.

Weriyaheena Cabdulqaadir Maxmaed Cabdulle ayaa warbixintan nooga soo diray Muqdisho.

XS
SM
MD
LG