Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Jaamici Khudbad Jihaad ayuu Jeediyay


Sheekh Jaamici
Sheekh Jaamici

Dowladda Maraykanka ayaa maxkamad Minnesota ku taalla u gudbisay mooshin ka dhan ah qareenno u doodaya wiil Soomaali ah, kadib markii dacwad-oogyayaal dowladda dhexe ka tirsan ay sheegeen in Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah sharciyaqaannada u jeediyay khudbad dhiirigalinaysa jihaadka dadka lagu waxyeelleeyo.

Qareennada iyo sharci-yaqaannada ayaa difaacaya kiiska Maxamed Faarax oo ah wiil Soomaali-Maraykan ah oo loo haysto dacwad la xiriirta argagixiso ah iyo inuu doonayay inuu u safro Syria si uu ugu biiro Daacish.

Imaam Sheekh Xasan Jaamici oo VOA la hadlay ayaa beeniyay inuu jeediyay khubaddo lagu dhiirigaliyay jihaadka dadka lagu waxyeelleeyo, wuxuuna eedahaasi ku tilmaamay kuwo "siyaasadeed" oo dowladda Maraykanku ay ka danbeyso.

Sheekh Jaamici ayaa sheegay in ka mid ah yahay culumada Soomaalida ah ee ka soo horjeeda kooxaha argagixisada ee jihaadka u isticmaalla inay dad aan waxba galabsan ay ku waxyeelleeyaan.

Dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatay Sheekh XAsan Jaamici.

Dhageyso Wareysiga Sheekh Jaamici
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:39 0:00

XS
SM
MD
LG