Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diiwaan Gelinta Doorashada Somaliland oo la Hakiyey


Siilaanyo
Siilaanyo

Hakinta diiwaangeinta oo ay soo jeedisay xukuumadda Siilaanyo ayaa waxaa sabab looga dhigay abaaraha ka jira gobollada qaarkood.

Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sannadka dambe oo ka socday gobollada qaarkood ayaa maanta la isla qaatay in loo hakiyo si ku meel gaar ah, abaaraha taagan dartood.

Go'aankan oo ay isku raaceen guddida doorashooyinka, Xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadda, ayaa waxa ku gacan-sayray Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xisbiga Waddani ayaa ku dooday in markii horeba xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ay ka caga jiideysay qabashada doorashada, iminkana aysan aqbaleyn in la joojiyo diiwaan-gelinta.

Warbixintan waxa magaalada Hargeysa nooga soo diray weriyaha VOA Barkhad Kaariye.

Warbixin: Doorashada Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

XS
SM
MD
LG