Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo soo Bandhigtay Maxaabiis Shabaab ah


Maxaabiis Shabaab ah
Maxaabiis Shabaab ah

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug, Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, ayaa sheegay in maxaabiistan ay dagaal kusoo qabteen.

Maamulka Galmudug, ayaa maanta soo bandhigay maxaabiis Al-Shabaab ah oo ay ku qabteen dagaal dhex maray ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maxaabiistan kusoo bandhigay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qabtay dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bari ee gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug, Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, ayaa sheegay in maxaabiistan ay qabteen ay yihiin 22, ayna u badan yihiin dhallinyaro aad u da’ yar, oo uu sheegay in lasoo qalday.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in marka laga reebo afar qof, dhammaan dhallinyarada la qabtay ay yihiin kuwo da’dooda ay ka yar tahay labaatan sano.

Wasiirka ayaa dhallinyarada Shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan kooxda, isaga oo u ballan qaaday cafis iyo dhaqan-celin.

Weriyaheena Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Gaalkacyo.

Galmudug oo qabatay maxaabiis Shabaab ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:14 0:00

XS
SM
MD
LG