Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Mudaneyaal Lacag U Dalbay Soomaaliya


Keith Ellison
Keith Ellison

16 mudane oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo uu ka mid yahay Keith Ellison ayaa dalbaday $87.7 milyan oo lagu caawinayo Soomaaliya.

Lix iyo toban mudane oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo uu ka mid yahay Keith Ellison ayaa saxiixay warqad ay kaga dalbanayaan guddiga arrimaha dibedda ee congress-ka lacag dhan $87.7 milyan.

Lacagtan ayaa mudanayaasha waxa ay sheegeen in lagu taageerayo hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhinaca dhaqaalaha.

Waxay sheegeen in Bariga Africa ay soo waajahday abaar adag sababtoo ah aafada ka dhalatay cimilada El-Nino.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale sheegay in dhowaanahan guulo waa weyn laga gaaray kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna ay doonayaan in lasii xoojiyo dhismaha iyo awooda dowladda Soomaaliya.

Warbixntan waxaa inoo soo koobaya Jamaal Axmed Cusmaan.

Warbixin: Congress-ka Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:19 0:00

XS
SM
MD
LG