Dagaallo kale oo goos-goos ah ayaa maalintii saddexaad ka socda degaannada dhinaca Bari ee Gobolka Nugaal halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Puntland.
Dagaallo culus ayaa dhacay maalmihii arbacada iyo Khamiista, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay tiro ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa kusoo koobay Maxamed, ayaa VOA-da u sheegay in dagaalka uu dhaliyey khasaare badan, oo badankiisa gaaray maleeshiyada Al-Shabaab.
Maxamed waxa uu sheegay in illaa 22 maleeshiyo laga dilay kooxda Al-Shabaab.
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayuu Maxamed uga warramay weriyaheena Jamaal Axmd Cusmaan.