Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban oo Canbaareeyey Weerarkii Ivory Coast


Xogahayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa canbaareeyey weeraradii ka dhacay dalka Ivory Coast.

Ururka Al-Qaacidada waqooyiga Afrika ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkan oo ay fuliyeen 6 qof oo aad u hubaysan, wuxuuna ka dhacay meel dalxiiska loo tago oo ka tirsan dalka Ivorycoast. Weerarkaas waxaa ku dhintay 14 qof oo rayad ah iyo 2 askari, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 22 qof oo kale.

Koox Sirdoon ah oo magaceeda loo soo gaabiyay SITE oo ah koox dabagasha bogaga kooxaha xagjiriinta ayaa sheegey iney weerarkaas sheegatay kooxda Al-qaacida ee Maqrib, waxaanay ku tilmaameen iney kooxdu ku soo qortay bogeeda Telegram Channel.

Warku waxa uu sheegaya iney kooxdu weerarkaas ku tilmaamtay mid geesinimo ah oo ay ku qaadeen 3 hotel oo ku yaalla xeebta dalxiiska loo tago ee magaalada Grand Bassam ee dalkaasi Ivory coast.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara ayaa cadeeyay tirade dadka goobtaas lagu laayay, sidoo kalena waxa uu xaqiijiyay in dhamaanba la diley dadkii weerarka soo qaaday.

Magaalada Grand Bassam ayaa waxay 40 kilo mitir dhinaca Bari kaga beegantahay magaalada Abidjan ee dalkaasi Ivory Coast, waxaana ku dhaqan dad tiradooda lagu qiyaasay 80,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG