Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka Wada Sh/Dhexe


Howgalkii ugu dambeeyay ayaa saakay ka dhacay tuulada Miirtuugo, halkaa oo ay sida saraakiisha dowladdu sheegeen lagu dilay shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Dhexe bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday howlgallo ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka.

Howlagaladaas ayaa maleeshiyada Al-Shabaab looga xureeyay tuulooyinka iyo dhulka ku yaala dhinaca bari ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Howgalkii ugu dambeeyay ayaa saakay ka dhacay tuulada Miirtuugo, halkaa oo ay sida saraakiisha dowladdu sheegeen lagu dilay shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab sideed kakena ay ku dhaawaceen.

Wariyeheenna Maamed Colaad Xassan ayaa guud ahaan howlgallada Shabeelaha Dhexe ka wareystay gudoomiye ku xigeenka maamulka Shabeelaha Dhexe Abukar Xasan Cali Maqaney.

Howl-gallo ka socda SH/dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00

XS
SM
MD
LG