Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Weeraray Awdheegle


Ururka Al-Shabab waxay sheegeen in ciidankaasi ay kusoo degeen laba diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ajnabi ah oo wata helikobtarro ay xalay soo weerareen magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Al-Shabaab waxay sheegeen in ciidankaasi ay kusoo degeen laba diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ah ayna kasoo degeen ciidamo balse lagu qasbay inay dib u gurtaan ayna dhiciseeyana hawlgalka sida ay sheegteen ururka Al-Shabab.

Al-Shabaab waxay sheegeen in qof uu ka dintay. Balsé dhinaca kale mas’uulka dawladda Soomaaliya ugu magacaaban magaalada Awdhgeegle ayaa VOA u u sheegay in cidiamadaais ay weerareen xarrumo gaar ah, hawshoodana ay fushadeen.

Goor dhowayd ayaa haddaba sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka u xaqiijiyey idaacadda VOA in ciidamo wadajir ah oo ka kooban Soomaali iyo Maraykan ay ku lug lahaayeen weerarkii xalay lagu qaaday magaalada Awdheegle.

Sarkaalkan Maraykanka ah ayaan faahfahain dheeraad ah ka bixinin hawlgalka dhacay.

Ilaa hadda ma cadda dadka lagu soo qabtay weerarkaasi.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Guddoomiyaha Degmada Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

Weerar ka dhacay Awdheegle
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00

XS
SM
MD
LG