Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Askari dhinac socda baabuur uu qaraxa haleelay
Askari dhinac socda baabuur uu qaraxa haleelay

Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ah askar ka tirsanaa ciidamada booliiska, halka qofka kalena uu ahaa qof rayid ah.

Afar qof oo saddex ay ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow xarunta gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdishu. Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawaacmay.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qof la qabtay lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxaasi oo ahaa baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la dhigayay agagaarka xarunta gaadiidka booliiska.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa weriyayaasha u sheegay inay qabteen qof loo malaynayo inuu baabuurkaasi ka degay wax yar ka hor qaraxa.

Wararka ka imanaya magaalada waxay kaloo sheegayaan inuu jiray qarax labaad oo loo adeegsaday baabuurta loo yaqaan bajaajka balse aanay ka dhalan wax khasaare ah.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka.

Dhinaca kalena ururka Al-Shabab ayaa sheegay in ciidamo ajaanib ah oo wata helikobtarro ay kusoo degaan duleedka degmada Awdheegle kaidbna ay rasaas isweydaarsadeen maleeshiyadooda.

Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambaysay weerarkan iyo cidda la bartilmaameedsanayey toona.

XS
SM
MD
LG