Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Weerarkii Raso


Weerarkaas oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa waxaa lagu dilay 150 maleeshiyo oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ka dhacay deegaanka Raso ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka war-heysay weerarka oo Mareykanka uu kusoo wargeliyey.

Wasiirka waxa kale uu shaaca ka qaaday in tirada maleeshiyada halkaas ku dhimatay ay u dhaxeyso 150 illaa 200 oo maleeshiyo.

“Inta badan tababarada kooxda Al-Shabaab waxaa markiiba ka qeyb gala 150-200 oo maleeshiyo, marka tirada dhimashada Mareykanka sheegay ee ah 150 waa sax, haddiiba aysan ka badneyn” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli ka war-hayn wax madax ah oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas ku geeriyooday, balse laga yaabo in warar arrintaas la xiriira ay dib kasoo baxaan.

Wareysi: Wasiirka amniga qaranka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00

XS
SM
MD
LG