Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Sheegtay Weerarkii Daallo


Ururka al-Sbabaab, ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii diyaaradda Daallo Airline ee horraantii bishan February lagu qaaday, xilli ay ka duushay garroonka Muqdisho kuna sii jeedda Jabuuti.

War ay Shabaab soo saareen ayay ku sheegeen inay bar-tilmaameed sanayeen waxay ugu yeereen sirdoon reer galbeed iyo Turkiyiin saarnaa diyaaradda, sida ay ku sheegeen war uu ururku soo saaray maanta.

Qarax loo adeegsaday Laptop, ayaa lagu dhex qarxiyay diyaaradda Daallo, xilli ay ka kacdey garroonka dayuuradaha ee Muqdisho, islamarkaasina 14 kun oo Fiit ay dhulka u jirtay.

Halkaasi waxa ku dhintay hal ruux oo la rumeysan yahay in uu ahaa qofkii qaraxa maleegay, oo ka soo faniinay duleel uu qaraxa u yeelay dayaaradda.

Wadihii diyaaradda, ayaa markaasi kadib ku guuleystay in uu dib ugu dejiyo Daallo halkii ay ka kacdey ee garroonka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya, ayaa hadda u xiran dad looga shakisan yahay wax ka ogaanshiyaha iyo maleegidda weerarkaasi la doonayay in lagu laayo dadkii la socdey duulimaadkaasi ku socdey Jabuuti, horraantii bishan February.

XS
SM
MD
LG