Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciyaartii Somalia iyo Qatar oo 3-3 ku Dhamaatay


Cayaartoyda 11-jirrada Soomaaliya
Cayaartoyda 11-jirrada Soomaaliya

Waa cayaartii saddexaad oo Ilmaha matalaya Soomaaliya ay barbardhac galaan, kadib barbardhac ay la galeen Sacuudiga iyo Imaaraadka.

11 jirro Soomaaliyeed oo ka qeyb galayay ciyaaraha dugsiyada dalalka Carabta oo ka dhacaya magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa kulan xiiso badan galabta la yeeshay dhiggooda Qatar, kaas oo bar bar dhac 3 iyo 3 ku soo dhammaaday.

Ciyaartoydan matalaysay Soomaaliya ayaa ka socdey iskuulka Muqdisho, waxaana labadii kulan ee kulanka maanta ka horeeyay sidoo kale bar bar dhac min hal gool ah la galay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa khadka telefoonka ee Dooxa kula xiriirey Maxamed Cismaan Naastaro oo ah madaxa kooxda ciyaartoydaasi, waxaana uu weydiiyay kulankii Galabta ay Qatar la yeesheen?

Kulankii Soomaaliya iyo Qadar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG