Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Ku Dhintay Dab Ka Kacay Xero Qaxooti


Xero Qaxooti
Xero Qaxooti

Dabka ayaa ka dhashay dab ay caruur yar yar ah ka shideen xerada si ay wax ugu karsadan.

Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii dab xooggan uu maanta ka kacay xerada barakacayaasha Rajo oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa ka dhashay dab ay caruur yar yar ah ka shideen xerada si ay wax ugu karsadan, sida uu VOA u sheegay guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax.

Waxaa sidoo kale khaasaaro hantiyadeed oo soo gaaray qoysaska xerada deganaa.

Dadkan ayaa waxaa ku bas beelay 70 guryo ka sameysnaa teendhooyin iyo cooshado, taasi oo dhalisay hoy la’an soo food saartay boqolaal qoysas oo halkaasi ku noolaa.

Dadbka ayaa lagu guuleystay in iminka la damiyo, sida uu guddoomiyaha degmada Wadajir sheegay.

XS
SM
MD
LG