Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Neyjeeriya oo Adkeyneysa Ammaanka Barakacayaasha


Dikwa, Nigeria
Dikwa, Nigeria

Neyjeeriya, ayaa sheegtay inay xoojin doonto ammaanka xeryaha barakacayaasha ee ay guryahooda ka soo barakiciyeen qalalaasha dalkaasi ka jira, kadib markii laba dumar ah oo isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen xerada Dikwa Talaadadii, halkaas oo ay ku dhinteen 58 ruux.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Yemi Osinbajo, ayaa shalay sheegay in wax laga shallaayo ay tahay in ma naxayaal aan damiir laheyn ay laayaan dad magan galyo u soo doontay xeryo, kuwaas oo guriyahooda ay kas oo qixiyeen dhibaatooyin jira.

Waxa uu ballan qaaday inay dowladdu ciidamo ammaanka suga geyn doonto agagaarka xeryaha dadka gudaha ku barakacay ay deggan yihiin.

Weerarkaasi, ayaan illaa iyo hadda jirin cid si rasmi ah u sheegatay, waxaase jira tuhun ah in kooxda Boko Xaram ay weerarkasi qaadday.

XS
SM
MD
LG