Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada Somalia Oo Mooshin Gudbiyey


Xildhibaanada ayaa waxa ay mooshinkan kaga cabanayaan in la baaro marka ay marayaan garoonka diyaaradaha iyo goobaha kale ee bulshada.

Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa shir guddoonka baarlamaanka u gudbiyey mooshin ay kaga cabanayaan in la baadho xildhibaannada.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalbaday in la adkeeyo amniga goobaha garoomada iyo halbowlayaasha kale ah kadib qaraxii lala beegsaday diyaarada Daallo Airlines.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhowro shuruucda amniga ee gelitaanka goobaha muhiimka ah, darajo kasta qofku ha lahaadee.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyey, ayaa ku doodaya inay tahay “Arrin dastuuri ah” inaan la baarin, ayaga oo haysta xasaanad.

Xildhibaannada mooshinka gudbiyey waxaa ka mid ah Khadiijo Maxamed Diiriye, waxay khadka telefoonka ugu warantay weriyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar.

Xildhibaanada oo mooshin gudbiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00

XS
SM
MD
LG