Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama Oo Booqday Masjid


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shalay booqday masjid ku yaalla magaalada Baltimore, gobolka Maryland ee dalka Maraykanka. Waa markii ugu horeysay ee uu Obama masjid Mareykanka ah uu booqdo muddadii uu xilka hayey.

Mr. Obama ayaa Muslimiintii masjidka iskugu timid iyo maamulkii Masjidka ku amaanay inay yihiin dad Maraykan ah oo hawl-kar ah.

Dhinaca kalena waxa uu sheegay in dadka Maraykanku ay inta badan Islaamka la xiriiriyaan argagixisada, isaga oo sheegay in dhammaan dadka Maraykanku ay hal qoys yihiin.

Halkan hoose ka dhageyso warbixin uu noo diyaariyay Maxamed Cabdi Sandheere iyo sidey culimada Soomaaliyeed ee Mareykanka ay arrintaasi u arkeen.

Dhageyso Booqashada Obama ee Masjid
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:54 0:00

XS
SM
MD
LG