Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Shirkii Madasha Wadatashi


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa aragtida laga qabo go'aannadii kasoo baxay shirka madasha ee Muqdisho kusoo idlaaday.

Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee arbacadii kusoo idlaaday Muqdisho, ayaa lagulagu go’aamiyey hannaanka doorasho sanadkan 2016.

Qodobada kulankii madasha lagu go’aamiyey, waxaa ka mid ah in aqalka hoose ee baarlamanka qaabkan lagu soo xulo:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.

• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.

• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.

Aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa isna lagu soo xuli doonaa habkan.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.

Haddaba barnaamijka faaqidaadda waxaan ku eegeynaa aragtida laga qabo arrintan, waxaa Muqdisho ku diyaariyey Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Faaqidaadda Toddobaadka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:36:17 0:00

XS
SM
MD
LG