Allaha u naxariistee, waxaa saaka maagalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon, oo ahaa rug caddaa saxaafadeed, oo si weyn looga yaqiinay Soomaaliya.
Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa la sheegay inuu kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha ah.
Weriyahenna Ibrahim Xassan Dandurey ayaa Taariikh nololeedka , Cabdi Xaaji Goobdoon wax ka weydiiyay Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar, Maxamed Aaden Xersi Terra, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, iyo madaxa laanta af-Somaliga ee VOA-da Cabdiraxman Yabarow, oo dhamaantood ah wariyeyaal rugcadaa ah oo ay horey u soo wada shaqeeyeen marxuumka, waxaana ku horeynaya Dalmar.