Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Lagu Eedeyay Duqeynta Gedo


Guddoomiyaha degmada Garbaharey ee gobolka Gedo Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay duqeyn aan loo aabo yeellin ku hayaan deeggaano ka tirsan gobolka Gedo.

Sheekh Nuur Maxmed Buraale ayaa VOA u sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyey weerarkii Ceel-cadde ay ciidamada Kenya wadaan duqeyn xiriir ah, wuxuuna sheegay in meelaha ay duqeynayaan aysan ku sugnayn sida uu hadalka u dhigay maleeshiyada al-Shabaab. Sheekh Nuur wuxuu sidoo kale ka hadlay, khasaarihii ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde.

Dhageystayaal waxaa naga xasuusin ah inaan xiriiro la sameynayo ciidamada Kenya ama AMISOM si ay uga jawaabaan eedaha l oo jeedinayo, balse wali ma suurtogalin.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha Garbahaaray.

Guddoomiyaha Gedo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:48 0:00

XS
SM
MD
LG