Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Cambaareeysay Weerarki Lido


Xubnaha golaha ammaanka ee Q.M. ayaa cambaareeyey weerarkii kooxda Shabaab ay ku qaaddey 22-kii bishan January maqaayadda Lido Sea Food, halkaas oo ay ku dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Goluhu waxay muujiyeen sidey weerarkaasi uga xun yihiin, iyagoo tacsi u direy ehelladii dadkii halkaasi lagu laayay, waxayna u rajeeyeen inay si deg deg ah u soo kabtaanna dadka ku dhaawacmay weerarkaas.

Golaha ammaanka ayaa amaanay jawaabta ay ka bixiyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya kadib weerarkaasi.

Xubnaha golaha ammaanka ee Q.M. ayaa ku celiyay in dhammaan qeybaha kala gaddisan ee argagixisnimada ay halis ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamka.


XS
SM
MD
LG