Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydadka Muhaajiriin Oo Laga Helay Greece


Saraakiisha oo daboolaya meydadka muhaajiriinta. 1/22/2016.
Saraakiisha oo daboolaya meydadka muhaajiriinta. 1/22/2016.

Dadkan ayaa waxaa laba dooni oo kala duwan ay kula qalibmeen xeebaha dalka Greece, waxaana la la' yahay dad kale.

Saraakiisha badda ee dalka Greece, ayaa sheegay inay heleen meydadka 15 qof, oo laba doon oo kala duwan ay kula degtay jasiiradaha dalkaas, xilli qul-qulka muhaajiriinta ee Yurub weli uu socdo.

Waxaa hadda socda baaritaanno lagu baadi goobayo dad kale oo la la’ yahay.

Ilaalada xeebaha Greece waxa ay sheegeen in 41 qof ay soo gaareen xeebaha kadib markii ay doon kula degtay meel u dhow xeebta jasiiradda yar ee Farmakonissi ee dhacda bariga badda Aegean-ka. Waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydadka toddobaa qof.

Dhacdo taas ka duwanna, 26 qof ayaa ka bad baaday doon ku degtay xeebta jasiiradda Kalolimnos, hase yeeshee waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydadka sideed qof.

Ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay horraantii tododbaadkan in qiyaastii 31,244 qof oo muhaajiriin ah ay yimaadeen badaha Greece, tan iyo billowgii sanadkan 2016.

XS
SM
MD
LG