Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Sidee Ayuu U Dhacay Weerarka Lido?


Weerarka Liido
Weerarka Liido

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somalia, Maxamed Xasan Nuur oo ka badbaaday weerarka, ayaa VOA-da uga warramay sida uu weerarka u dhacay.

Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa ku geeriyooday weerar xalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday maqaayadda Liido Sea Food ee ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa lagu fuliyey qaraxyo is-miidaamin ah, oo ay ku xigeen rasaas xooggan oo ay Shabaabka ku rideen dadkii ku sugnaa maqaayadda.

Waxaa kadib dhacay dagaal dhex maray Shabaabka iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, oo ugu dambeyn looga adkaaday Shabaabka, sida uu sheegay wasiirka Amniga Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay VOA-da.

Dadka ku sugnaa maqaayadda weerarka lagu qaaday waxa ka mid ahaa ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somalia, Maxamed Xasan Nuur oo ka badbaaday weerarka.

Xeer ilaaliye ku xigeenka oo laga soo badbaadiyay gudaha maqaayadda ayaa markii uu banaanka u soo baxay Sahra Ciidle Nuur uga warramay sida uu weerarku ku bilowday, xilli weli ay xabado ka ag dhacayeen.

Sidee ayuu u dhacay weerarka Liido
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00

XS
SM
MD
LG