Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyo Hubeysan Oo 6 Ka Dilay Shabaab


Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa weerar ay ku qaadeen saldhiggii Al-Shabaab ay Aadan Yabaal kaga dileen 6 maleeshiyo.

In ka badan illaa 7 qof ayaa lagu dilay weerar xalay ay maleeshiyo hubeysan ku qaadeen saldhig malayshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Aden Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay warfidiyeenka u xaqiijiyeen ilo degaanka ah, maleeshiyada deegaanka waxaa u suurto gashay in ay qabsadaan saldhigga Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa sheegay in 6 ka tirsan al-Shabaab ay dagaalkaasi ku dileen, halka dhinacooda uu hal qof ka dhintay.

Maleeshiyo hubeysan oo taageerro ka helaya qabiillada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa kordhiyay weerarro iyo dagaallo ay la galeen kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG