Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac Iyo Duqeymo Ka Socda Ceel-Cadde


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada Kenya ayaa duqeymo ka wada deegaankan ka tirsan gobolka Gedo, taasi oo keentay inay dad badan ka qaxaan halkaas

Wararka ka imanay deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xooggan isla markaana ay ciidamada dalka Kenya wadaan Duqaymo xagga cirka ah.

Deegaanka Ceel-Cadde ayaa Jimcihii hore kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada Dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen askar u dhalatay dalka Kenya.

Ciidamada Kenya, ayaa talaadadii dib ugu laabtay Ceel-Cadde, ayaga oo sheegay inay ugaarsanayaan kuwii ka dambeeyey weerarkii askarta badan looga dilay.

Haddaba dadka Deegaanka ayaa VOA uga waramay sida xaalku haatan yahay.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Axmed Cali Gamadiid oo ka mida odayaasha deegaanka isla markaana dhawaan ka soo laabtay deegaanka Ceelcadde.

Barakac ka socda Ceel-Cadde
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:47 0:00

XS
SM
MD
LG