Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha Cameron Oo Walaaciyey Muslimiinta


Qorshahan ayaa faraya haweenka soo galootiga ah inay laba sano iyo bar gudahood ku bartaan luuqadda, haddii kale la masaafurin doono.

Dadka Muslimiinta ah ee dalka Britain ayaa shaki ka muujiyey qorshe uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, kaasi oo faraya haweenka magangalyo-doonka ah barashada luuqadda English-ka.

Qorshahan ayuu Cameron ku sheegay in dadka magan-galyo doonka ah looga baahnaan doono inay caddeeyaan inay hormariyeen luuqaddooda laba sano iyo bar kadib marka ay dalka yimaadaan, haddii kale la masaafurin doono.

Qorshahan ayaa looga gol lee yahay in haweenka muslimiinta ah ay dhex galaan muslimiinta.

Ra’iisul wasaaraha Britain, ayaa qiray in qorshahan uu keeni doono in qoysas badan ay laba u kala dhantaalmaan. Qorshaha ayaa hir-galaya bisha October ee sanadkan.

Wariyaha VOA-da ee London Ridwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa warbixintan nooga diyaariyay.

Walaac laga muujiyey qorshaha Cameroon
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

XS
SM
MD
LG