Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM Oo Dalbatay lacag Somalia lagu Caawiyo


QM ayaa codsanaysa lacag gaaraysa 885 malyuun oo dollar si ay u gaarto 3.5 malyuun oo Soomaali ah oo u baahan gargaar deg-deg dhammaadka sannadkan 2016.

QM ayaa codsanaysa lacag gaaraysa 885 malyuun oo dollar si ay u gaarto 3 malyuun iyo badh Soomaali ah oo u baahan gargaar deg-deg dhammaadka sannadkan 2016.

Hay’adda QM ee iskudubaridka arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay qorshaha waxqabadka bini’aadanimo ee sannadkan 2016, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay hubiso in deeqdu noqoto mid wakhtiyaysan oo la sadaalin karin.

Qorshahan lagu dhawaaqay ayaa imanaya iyadoo ay jirto baahi bini’aadanimo oo baahsan oo haysata dad lagu qiyaasay 4.9 malyuun oo u baahan gargaar degdeg ah.

Hay’addu waxay sheegtay in ka badan hal malyuun oo qof oo barakacay ay muddo badan sugayeen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladooda, iyadoo qiyaastii 308 kun oo caruur ah oo ka yar da’da 5 sano ay nafaqo darro haysato, halka 56 kun oo caruurtaasi ka mid ahna ay qarka u saran yihin dhimasho haddii aan la daweyn.

Hay’aadu waxay sheegtay qaxootiga iyo dadka soo noqonaya ee ka soo cararaya dagaallada Yemen ayaa sii wadaan inay yimaadaan Somalia, iyo 30 kun oo qof ay Somaaliya so gaaraan, kuwo badana la filayo sannadkan 2016, sidoo kalena waxaa la filayaa in qaxooti at a soo noqdaan dhinaca Kenya.

Peter De Clercq, madaxda hay’adda QM ee iskudubaridka bini’aadanimada Somalia ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dhamaadka sannadkan 2016 yareeyaan tirada dadka gargaarka u baahan ee 4.9 malyuun, kana dhigaan 3.2 malyuun oo qof.

Warbixintan waxaa magaalada Muqdisho nooga soo diray Jacfar Kuukaay.

QM: 4.9 Milyan ayaa u baahan gargaar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:26 0:00

XS
SM
MD
LG