Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Michael K.


Michael Keating iyo madaxweyne Xasan
Michael Keating iyo madaxweyne Xasan

Michael Keating ayaa dhowaan noqday wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo beddelay Nicholas Kay.

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta Muqdisho tagay, isaga oo xarunta madaxtooyada Villa Somalia kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Michael Keating, ayaa hadal uu isna jeediyey ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Michael Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG