Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran Oo Cambaareysay Xayiraada Mareykanka


Madaxweynaha Iran Hassan Rohani
Madaxweynaha Iran Hassan Rohani

Iran waxay sheegtay in cunaqabteynta cusube ee Mareykanka uu saaray ay kaga jawaabeyso inay sare u qaado barnaamijkeeda gantaalaha.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Iran ayaa cunaqabateynta cusub ee Mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo gantaalaha la hago ee dalkaas ku macneysay mid sharci darro ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Hossein Jaber Ansari, ayaa Isniinta (1/18/2016) sheegay in Iran ay jawaab bixin doonto, ayada sare u qaadi doonto barnaamijka gantaalaha la hago ee sharciga ah, iyo awoodaheeda difaaca.

Iran, ayaa markii ay tijaabadan sameysay sanaddii tagtay, waxa ay dhaleeceyn kala kulantay Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka, kuwaasi oo sheegay in tijaabada ay xadgudub ku tahay qaraarada golaha ammaanka ee QM.

Mareykanka ayaa axaddii qaaday tallaaboyin ka dhan ah shan qof oo Iran u dashay iyo shabakad shirkado ah, oo lala xiriiriyey inay ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyada gantaalaha la mamnuucay.

Madaxweyna Barack Obama ayaa sheegay in dowladdiisa ay si xooggan u dhaqan-gelin doonto cunaqabateenada ka dhanka ah barnaamijka gantaalaha la hago ee Iran.

XS
SM
MD
LG