Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zarif: Maanta Ayaa Xayiraadda la Qaadaya


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Maxamed Javad Zarif, ayaa sheegay in cuna-qabateynta caalamiga ah ee saaran Iran la qaadi doono maanta oo Sabti ah, marka hey’adda Atomikada aduunka ee IAEA ay soo saarto warbixinteeda ugu dambeysa ee barnaamijka Nukliyarka ee Iran.

Zarif ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka ee Iran ee ISNA , ka dib markii uu gaaray magaalada Vienna ee xarunta dalka Austria.

Waxa uu yiri, "maanta waxey u tahay maalin weyn shacabka reer Iran, cuna-qabateyntana waa laga qaadayaa maanta, sidoo kale waxey u tahay maalin weyn gobolka oo dhan."

Mr. Zarif ayaa kulan kula yeeshay Vienna maanta oo Sabti ah ergeyga sare ee Midowga Yurub ,Federica Mogherini, iyagoo ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii Nukliyerka Iran iyo Quwadaha Caalamka.

Goor dambana , Zarif iyo Mogherini waxay la kulmi doonaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry, iyadoo sadexdooda oo wada jirana ay hadal soo saari doonaan.

XS
SM
MD
LG