Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burkina Faso: La Heystaal la Soo Bad-baadshay


Dowladda Burkina Faso, ayaa sheegtay in la soo gaba gabeeyay howl gal lagu soo furanayay dad la heystayaal ah oo looga shakisan yahay kooxo mitidiinah ay ku qabsadeen hotel ku yaalla caasimadda dalkaasi, halkaas oo ay ku dhinteen labaatan ruux.

Saraakiil ayaa sheegay in la soo bad baadiyay Sabtida maanta 126 ruux, laguna dilay seddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.
Ugu yaraan soddon ka mid ah dadka la soo bad baadshay ayaa qaba dhaawacyo.

Wasiirka amniga gudaha ee Burkina Faso Simon Compaore ayaa sheegay in ciidamada nabad galyada ay howl gallo ka wadaan agagaarka Hotelka uu weerarku ka dhacay.

XS
SM
MD
LG