Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UMP oo Geelle u Dooratay Musharaxooda


Isbahaysiga haya talada dalka Jabuuti ee UMP ayaa xalay u doortay madaxweynaha waddankaasi Ismaaciil Cumar Gelle inuu noqodo musharraxa ugu tartamaya doorashada madaxweynennimo.

Madaxweyne Geelle oo xalay ka hadlay xafladda lagu doortay ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay doonayaan inay burburiyaan Djibouti. Weriyaha VOA Ramadan Muse ayaa ka qeybgalay xafladii lagu doortay musharrnimada Geelle, oo warbixin ka soo direy.

Dhinaca kalena isbahaysiga mucaaradka Jabuuti USN ayaa shuruud ku xiray inay ka qeyb galaan doorashada madaxtinimada Jabuurti. Afhayeenka ishaysiga Daahir Axmed Faarax ayaa sheegay in doorashada ay ka qeybgali doonaan oo kaliya marka la helo guddiga madaxbanaan ee doorashada. Weriyaheena Maxamed Cabdi Xasan ayaa Daahir khadka taleefonka ku wareystay. Haddaba, ka dhageysto qeybta hoose warbixinta xafladda Geelle lagu doortay in uu noqdo musharaxa madaxtinnimo ee xisbiga UMP iyo sidey mucaaradku uga hadleen.

Dhageyso Warbxiinta Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:31 0:00

XS
SM
MD
LG