Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faraha Abdeslem Oo "Laga Helay Brussels"


Salah Abdeslam,
Salah Abdeslam,

Saleh Abdeslam ayaa lala xiriirinayaa weeraradii 13-kii November ka dhacay magaalada Paris ee dalka France, oo lagu dilay 130 qof.

Booliiska dalka Belgium ayaa sheegay inay heleen raadka faraha Saleh Abdeslam iyo suun loogu talo-galay in qarax is-miidaamin ah lagu fuliyo, kadib baaritaan ay ku sameeyeen guri ku yaalla magaalada Brussels.

Saleh Abdeslam ayaa lala xiriirinayaa weeraradii 13-kii November ka dhacay magaalada Paris ee dalka France, oo lagu dilay 130 qof.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Belgium ayaa jimcaha ku dhowaaqay in raadka faraha Abdeslam la helay kadib baaritaan lagu sameeyey waxyaabihii laga soo helay gurigan oo ciidamada ay galeen tobankii December.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa hadal qoraal ah ku sheegay in gurigan lagu kireystay magac iyo aqoonsi been ah, lagana yaabay inuu isticmaalayey mid ka mid 10 qof oo Belgium-ka loogu xiray tuhunno argagixiso.

Dhinaca kalena, madaxweynaha France, Francois Hollande ayaa ku dhowaaqay in booliiska dalkiisa loo ogolaan doono inay hubkooda haystaan, xitaa marka aysan shaqeyneyn, wuxuuna ballan qaaday in 5,000 oo sarkaal oo kale uu ku kordhin doono ciidamada ammaanka.

XS
SM
MD
LG