Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bari: 4 Qof oo Weerar Iyo Qarax Ku Dhintay


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Laba Qof ayaa ku geeriyootay weerar dabley hubeysan ay ku qaadeen tuulo, islamarkaana laba caruur ah ayaa ku nafwaayey qarax miino.

Laba qof oo midi haweeney aheyd ayaa dhintay, saddex kalena waa ay dhaawacantay kadib markii Dabley hubeysan ay habeenimadii xalay rasaas ku weerareen tuulo cusub oo dhowaan laga dhisay deegaanka Xangey oo qiyaastii 142 KM u jirta magaalada Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay weererkaas, Laamaha amaanka Puntland-na wax war ah kama soo saarin dhacdadaas.

Dhinaca kale, dhulka miyiga ahee u dhawdegmada Burraan ee Gobolka Sanaag Bari ee Puntland ayaa lagu soo waramayaain ay Miino kuku qaraxday barqanimadii maanta saddex caruur ah oo walaalo ah.

Laba kamid ah carruurtaas, ayaa waxa u dhinteen qaraxa minaadaas, halka midka lena dhaawiciisii lagu dabiibayo cisbitaalaka degmada Qardho.

Guddoomiyaha degmada Buraan, Bootaan Axmed Bootaan ayaa VOA u sheegay in qoyskadhibku ku dhacay ay ahaayeenreer guuraa, saddexda caruurna ay xilliga miinadu ku kacday ilaalinayeen xoolo.

XS
SM
MD
LG