Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2 ku Dhimatay Qarax Muqdisho ka Dhacay


Laba qof ayaa dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maanta qarax ismiidamin ah uu ka dhacay makhaayadda Village ee magaalada Muqidsho.

Wariyaha VOA ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in makhaayadan ay fadhiyeen weriyayaal, kuwaasi oo ka war-helay qofka is qarxiyay ka hor isqarxintiisa, iyagoo arkay in qofkasi uu la rafanayay waxyaabihii uu isku soo xirey ee uu doonayay in uu isku qarxiyo.

Weriyayaasha ayaa meeshaasi ka cararay daqiiqada kadibna, waxaa halkaasi ka dhacay qarax, waxaa ku dhintay laba qof oo uu ku jiray ninkii qaraxa isku soo xiray.

Maqaayadda Village oo ah maqaayad caan ah ayaa waxaa fadhiiista weriyayaasha iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Waa markii saddexaad ee weerar ismiidaamin ah lagu qaado makhaayadda Village.

XS
SM
MD
LG