Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ada Nabad Sugida Oo Weerar Fashilisay


Weerarka ayaa lala damacsanaa xarunta Xalane ee Amisom (Sawir hore).
Weerarka ayaa lala damacsanaa xarunta Xalane ee Amisom (Sawir hore).

Weerarkan ayay hay'addu sheegtay in lala damacsanaa xarunta Amisom ee Xalane, ayna geysan rabeen rag baabuur ku watay hoobiyayaal.

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xalay fashilisay weerar ay maleeshiyaadka Al-Shabab doonayeen in ay ku qaadaan xarunta Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM iyo qaar ka mida diblomaasiyiinta shisheeyaha.

Hay’adda Nabad Sugida ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka oo ka war heley qorshahaas islamarkaana ku jirey howlgal ay ammaanka ku sugayeen ay iska hor yimaadeen gaari caasi ah oo wadey hoobiyayaal, kadibna ay rasaas is weydaarsadeen.

Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mida rasaastaas ay badda ku dhacdey oo aaney wax qasaare ah geysan.

Weriyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar, ayaa arrintan ka wareystay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Wareysi: Cabdiraxmaan Tuuryare
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00

XS
SM
MD
LG