Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab Oo Afduubay Shaqaale Caafimaad


Baabuur gurmadka deg degga ah (Sawir hore)
Baabuur gurmadka deg degga ah (Sawir hore)

Kooxdan ayaa afduubtay Cabdi Kaafi Japan oo kalkaaliye ka ahaa cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalka baabuur gurmadka deg degga ah

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu afduubay darawal iyo kalkaaliye caafimaad, xilli ay la socdeen gaari kuwa gurmadka deg degga ah oo marayey dulleedka bari ee Dhuusamareeb.

Ragga la afduubay ayaa kala ah, Cabdi Kaafi Japan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalkii baabuurka, Yaxye Muxiyadiin.

Guddoomiyaha Degamada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biya Quute ayaa u sheegay VOA-da in ragga afduubka geystay ay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabab

Waxa uu sheegay in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaariga inay taleefan ka waceen iyagoo u sheegay inay yihiin ehelka haweeneey fool aheyd, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaasi tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay.

Gaariga la afduubtay ayaa lagu arkay Magaalada Galhareeri ee ku dhow Ceelbuur. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay xaaladda raggan la afduubay .

XS
SM
MD
LG