Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti Oo Xaqiijisay Dhimashada 7 Qof


Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tiradan ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee AFP

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay dhimashada ugu yaraan 7 qof oo ku geeriyooday shaqaaqadii shalay ka dhacay xaflad lagu xusayay Sheekh Yoonis Muuse oo lagu qabtay xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegay in 23 qof oo rayid ah iyo 50 booliis ah ay ku dhaawacmeen shaqaaqada.

Waxa uu sheegay in sagaal qof oo rayid ah iyo sideed booliis ah oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay weli ku jiraan isbitaalka.

Mucaaradka iyo dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Ugu yaraan 19 ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen shaqaaqada oo billaabatay kadib markii ay ciidamada amniga rasaas ku fureen goobta uu xuska ka dhaceyey.

Dawladda ayaa sheegtay in, sida ay hadalka u dhigtay, dad hubaysan ay soo weerareen ciidanka, balse dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ciidamada ay weerarka soo qaadeen.

XS
SM
MD
LG