Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baabuurta Ciidamada Amisom oo dilay Askari


Ciidamada Amisom ee falkan geystay ayaa goobta ka cararay, waxaana ka dhalatay xiisad u dhaxeysa ayaga iyo ciidamada dowladda.

Gaariga nuuca loo yaqaan Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa qaybta dambe ka maray gaadiidka waa weyn ee Amisom, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Shilkan oo ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Amisom ee falkan geystay ayaa goobta ka soo cararay, waxaana ciidanka askariga laga dar daray iyo gaadiidka Amisom oo careysan ay soo gaareen albaabka weyn e Xalane gaar ahaan Madina Gate.

Ciidamada dowladda ayaa isku dayey inay galaan xerada ciidanka Amisom, ayaga oo ka carreysan askariga ka geeriyooday, balse waa laga hor-istaagay.

Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa waxaa isku dayaya inay xalliyaan saraakiisha ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dhacdadan ay qabsatay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeellada Hoose.

XS
SM
MD
LG