Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Cayaar Tv-ga Laga Daawan Doono


Horseed vs Heegan
Horseed vs Heegan

Cayaarta kama dabeysta ah ee koobka General Daa'uud ayaa si toos ah looga daawan doonaa taleefishinka qaranka ee SNTV.

Markii ugu horeysay taariikhda cayaaraha kubadda cagta Soomaaliya, ayaa cayaartii ugu horreysay waxaa si toos ah (LIVE) looga daawan doonaa Soomaaliya toddobaadkan.

War qoraal ah oo kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa lagu sheegay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa la sameeyey si cayaarta kama dabeysta ah ee koobka General Daa'uud si toos ah looga daawado taleefishinka qaranka ee SNTV.

Cayaartan kama dambeysta ah ayaa waxa ay dhex mari doontaa kooxda Milatariga Soomaaliye ee Horseed iyo kooxda kubadda cagta Booliiska ee Heegan FC.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa tani ku macneeyey tallaabo weyn oo horey loo qaaday, kadib sanado badan oo sharci darro iyo degenaansho la’aan ay ka jirtay Soomaaliya.

Soo gudbinta cayaartan tooska ah ayaa waxaa iska kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, taleefishinka qaranka Soomaaliyeed iyo Horn Connect oo fududeyneysa.

Jamaal Axmed Cusmaan ayaa arrintaas ka warreystay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab.

Wareysi Cabdi Qani Saciid Carab
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00

XS
SM
MD
LG