Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Marka Oo In La Joojiyo Lagu Baaqay


Dagaaladan oo soo noq-noqday ayaa u dhaxeeya laba beel oo wada dega magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelo halkaas wada degaa, waxaana socda baaqyo ku saabsan in dagaalka la joojiyo.

Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellada Hoose oo VOA-da la hadlay, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo jiijiyo dagaaladan oo soo noqnoqday, islamarkaana wada-hadal laga galo.

Odayaasha ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay u gurmato dagaalka ka socda Marka, oo ay gacan ka geystao sidii loo joojin lahaa.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa dhinaca kalena gogol nabadeed u fidiyey beelaha ku dagaalamaya gobolka Sh/hoose, uguna baaqay inay xabadda joojiyaan.

Warbixintan waxaa Baydhaba nooga soo diray Muqtaar Maxamed Catoosh.

Baaq ku aadan dagaalka Marka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:49 0:00

XS
SM
MD
LG