Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Qof oo ku Dhimatay Dagaalka Beledweyne


Beledweyn
Beledweyn

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal beeleed kaas oo sababay dhimashada illaa 7 qof halka dhaawacuna kor u dhaafay illaa 36 qof.

Agaasimaha Cusbitaalka Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa VOA u sheegay in dhaawac kala duwan la soo gaadhsiiyey cusbitaalkooda isla markaana ay qalliin u sameeyeen illaa afar ka mid ah.

Weriyaha VOA ee Beledweyn ayaa ku soo waramaya in dagaalkani salka ku hayo xiisado hore u taagnaa deegaanka.

XS
SM
MD
LG