Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xamar: Sarkaal Nabad-Sugid Ahaa Oo La Dilay


Muqdisho
Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi ayaa ku geeriyooday qarax loogu soo xirey gaarigiisa, oo qarxay isaga oo marayay nawaaxiga saldhigga degmada Waaberi.

Qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu xiro baabuurta saraakiisha dowladda, ayaa ku soo kordhayay magaalada Muqdisho muddooyinkan dambe, kuwaa oo mas’uuliyiin badan lagu dilay, qaarna lagu dhaawacay.

XS
SM
MD
LG