Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyo Raacsan ISIS Oo Qabsatay Tuulo


ISIS
ISIS

Waxa ay noqoneysaa markii ugu horraysay ee maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish ay qabsadaan deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshiyada taabacsan ururka Daacish ee ka goostay Al-Shabaab ayaa qabsaday oo la wareegay gacan ku haynta tuulada Tuulo-Barwaaqo oo 12 KM u jirta deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyada taabaacsan Daacish ayaa halkaas ka qabsaday ciidamada maamulka Jubbaland ee halkaas maamulayey, kuwaas oo tuulada ka baxay markii ay maleeshiyada usoo dhaqaaqeen.

Kooxda halkaas qabsatay ayaa sidoo kale gubay gurigii guddoomiyihii Tuulo-Barwaaqo.

Waxa ay tani noqoneysaa markii ugu horraysay ee maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish ay qabsadaan deegaan ka mid ah Soomaaliya.

Deegaanada hoostaga Jubbada Hoose, ayaa waxaa dhowaanahan ka jiray khilaaf u dhaxeeya Al-Shabaab oo ku saabsan ku biiritaanka Daacish, ayada oo la dilay sarakaiil sare iyo maleeshiyo taageero u muujiyey Daacish.

XS
SM
MD
LG