Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama Oo Baaq U Diray Turkey & Russia


Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegay in uu taageerayo xuquuqda Turkey ay u leedahay inay difaacdo hawadeeda iyo dhulkeeda.

Toddobaad kadib markii Turkey ay soo ridday diyaarad dagaal oo Ruushku uu lahaa, taasi oo dhalisay xiisad, ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu iminka ku baaqayaa in la qaboojiyo xiisadda ka dhex taagan labada dal, loona midoobo dagaalka Syra.

Obama ayaa sheegay in dunida oo idil ay leedahay hal cadow oo ah kooxda Daacish, loona baahan yahay in diiradda la saaro halistaas

Obama ayaa hadlayey kadib wada-hadallo ka dhinac dhacay shirka cimilada adduunka ee magaalada Paris oo uu talaada la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xuquuqda Turkey ay u leedahay inay difaacdo hawadeeda iyo dhulkeeda, islamarkaana uu si buuxda u garab taagan yahay ammaanka iyo madaxbannaanida Turkiga, oo xulufo la ah Mareykanka.

Wada-hadallada Obama iyo Erdogan ayaa dhacay toddobaad kadib markii Turkiga ay soo rideen diyaraad Ruushku lahaa oo ay sheegeen inay kusoo xadgudubtay hawada dalkaas. Russia waa ay beenisay eedyemahaas, waxaana ay ku adkeysatay in diyaaradda aysan marnaba ka bixin hawad Syria.

XS
SM
MD
LG