Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senataro Ku Baaqay In Ciidamo Loo Diro ISIS


McCain iyo Graham ayaa sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu qeyb ka noqdo ciidamo la dagaalama ISIS.

Laba Senator oo Mareykan ah ayaa axaddii sheegay in dowladda Mareykanka ay qeyb ka noqoto ciidamo ka socda dalal badan oo loo diro Ciraq iyo Syria, oo ka adkaada kooxda Daacish, islamarkaana ku cadaadiya madaxweyne Bashar Al-Assad inuu xukunka ka dego.

John McCain iyo Lindsey Graham oo labada ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa barnaamijka Face the Nation ee taleefishinka CBS u sheegay inay qasab tahay in Mareykanka uu qeyb ka noqdo ciidamo dalal badan ka socda, oo McCain, oo ah guddoomiyaha guddiga adeegga ciidamada, uu sheegay inay yeelaan doonaan lab ujeedoo oo muhiim ah.

“Marka hore, waa inaad meesha ka saartaa ISIS, islamrkaana aad sameysaa aag duulimaadka ka caagan, oo aad farriin u dirtaa Bashar Al-asad inuusan duqeyn karin, oo uusan gowrici karin, rag, haween iyo caruur aan waxba galabsan, islamarkaana uusan malaayiin qof ka dhigi karin qaxooti aan iminka isku dayeyno inaan la macaamilno”. Ayuu yiri McCain.

Graham oo isna sidoo kale ka mid ah guddiiga adeega ciidamada ayaa la weydiiyey in dadka Mareykanka ay diyaar u yihiin ciidamo kale oo Mareykan ah oo ka qeyb gala dagaal, kadib dagaalladii Ciraq iyo Afghanistan.

“Waa fiicnaan lahayd inaay diyaar u noqdaan, sabata oo ah haddii aynan Daacish ku burbuurin Syria oo ay xarun ka dhigteen, waxaan filan doonnaa in dalkeena nalagu soo weeraro. Sidaa darteed, gobolka waxa uu diyaar u yahay inuu dagaalamo. Gobolkan wuu nacay ISIL. Dalalka carabta ee Suniyiinta ah ayaa nacay ISIS, Turkigana wuu nacay ISIS. Sidoo kale gobolka oo idil ayaa doonaya in Assad uu meesha ka baxo. Sida darteed waxaa halkan jirta fursad, waxaana haddii uu Mareykanka hogaamiyo aan sameyn karnaa laba arrin, oo ah inaan burburino ISIS iyo inaan meesha ka saarno Asad”. Ayuu Graham u sheegay CBS.

Graham ayaa sheegay in Daacish ay buuxisay booskii Mareykanka uu baneeyey markii ay ciidamadiisa ka baxeen Ciraq, islamarkaana gobolka uu aad uga walaacsan yahay ISIS iyo sidoo kale awoodda Iran.

McCain iyo Graham ayaa labaduba sheegay in ciidamada loo baahan yahay ay gaarayaan 100,000 oo askari, balse aysan qasab ahayn in Mareyknaka ay ka wada yimaadaan, laguna buuxin karo ciidamo kale oo gobolka ka imanaya.

“Ciidamada aniga iyo John aan ka hadleyno waa kuwo 10% ay ka imanayaan dalalka reer galbeedka. Ciidamada aan ka hadleyno waxa ay ka imanayaan gobolka. Waxaa jira ciidamo gobol oo aad u baaxad weyn. Saudi Arabia, Masar iyo Turkey waxa ay lee yihiin ciidamo gobol. Way ka qeyb galayaan dagaalka haddii Assad miiska lasoo saaro, sida adarteed dagaalka badankiis waxaa sameynaya gobolka” ayuu yiri Graham.

Graham waxa uu sheegay in 3,500 oo ciidamo Mareykan ah oo iminka ku sugan Ciraq aysan awood u lahayn inay ka adkaadaan Daacish, waqti dhow.

McCain ayaa isna sheegay inuu rumeysan in magaalada Ramadi ee Ciraq oo iminka gacanta ugu jirta kooxda Daacish dib loo furan doono dhowaan.

“Laakiin taasi waa bilow un, waxaaa jira Fallujah, wxaaa jira Mosul iyo kuwo kale. Waxaan u baahannahay joogitaan xooggan, islamarkaana Assad waa sababta ugu badan ee qaxootiga ku qulqulaya Yurub ee walaacana ka abuuray Mareykanka. Aag duulimaadka ka caagan wuxuu gabaad siin lahaa qaar ka mid ah qaxootigan” ayuu McCain yiri.

Aqoonyahan ka tirsan machadka bariga dhexe oo lagu magacaabo Zubair Iqbal ayaa arka caqabad ku horgudboon abuurista ciidamada noocan ah.

“Sideed ciidamo sidaas u ballaaran aad isugu keeni kartaa gobol la daala dhacaya siyaasado aan mideysneyn. Kow iyo laba, dalalkan waxa ay wada wataan danahooda, mana awoodi doonaan inay wada shaqeeyaan, waxaana su’aasha mar walba ay noqon doontaa yaa hogaaminaya ciidamada. Arrinta labaad, oo ah tan ugu muhiimsan waa maxaad sameyneysaa marka laga adkaado Daacish?. Ma kuu diyaarsan yahay barnaamij nabadda lagu soo celinayo, iyo in ciidamada awooda siiyey Daacish ay wada baa bi’ doonaan, sidaa darteed arrimahan waa muhiim”. Ayuu Iqbal yiri.

Iqbal waxa uu sheegay in ayada oo aan marka hore la fahmin sababihii keenay soo bixitaanka Daacish, in ciidamada noocan ah ay xaaladda un sii akdeyn doonaan islamrkaana siin doonaan Daacish propaganda ay muslimiinta uga dhaadhciyaan in Islaamka ay soo weerareen reer galbeedka.

XS
SM
MD
LG